Xiisad ka taagan Magaalada Laascaanood

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool aya waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi ay a taagan xiisad u dhaxeysa ciidamada maamulka Somaliland iyo sidoo kale Koox dhalinyaro ah.

Xiisaddaan ayaa ka dhalatay ka dib markii Ciidamada maamulka Somaliland ay howlgal Ballaaran ay ka sameeyeen Magaalada Laascaanood, islamarkaan ay xabsiga dhigeen Koox dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay falal Amni daro ay ka wadeen Magaalada.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland, kuwaa soo nabadeyn ka wadda Magaalada Laascaanood.

Xaafaddo ka mid ah Magaalada ayaa hadda waxaa isku aruursanaya dhalinyaro ka caraysan qaabka loo xirxiray dhalinyaradii howlgalka lagu soo qabtay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in kooxda dhalinyarada ah ay u abaabulan yihiin sidii qaab qabiileed.

Dhawaan Magaalada Laascaanood waxaa ku dagaalamay Koox dhalinyaro ah iyo sidoo kale Ciidamada maamulka Somaliland.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net.