Xiisad ka taagan degmada Buulo-Burde & faah faahin laga helayo

Xiisadaan oo ah mid dagaal ayaa waxaa ay u dhaxeeysaa Ciidamada Ammaanka ee degmada buulo-Burde & maleeshiyaa degaanka ah, kuwaas oo ka carooday rag laga xiray.

Todobaadyo ka hor ayaa waxaa Saldhiga Booliska degmada Buulo-Burde gaaray maleeshiyaad egaanka ah, kuwaas oo la sheegay in qaar kamid ah la qabtay lana xiray.

Wararka ayaa sheegaya in 14 kamid ah raggii weeraray saldhiga la xiray kadib markii kulan xal raadin ah loogu yeeray, iyada oo taasi ay ka caroodeen qaar kamid ah maleehshiyaadka dadka degaanka ah.

Dadka ku nool degmada buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayan in maleeshiyaadka ka carooday raga xiran ay Ciidamo farabadan dhigteen mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne taas oo xiisada abuurtay.

Qaar kamid ah Odayaasha degmada buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan oo Warbahinta la hadlay ayaa sheegay in raga la xiray ay iyaga geeyeen kadib markii loo sheegay in la qancinaayo, hayeeshee balantii looga baxay.

Waxaa ay ugu baaqeen Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyad Hir-Shabeelle inay arrntaasi soo farageliyan, hadii kale wixii dhibaato ah ee halkaasi ka dhaca ay mas’uuliyadooda qaadi doonan Maamulka degmada buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Xiisada u dhaxeeysa Ciidamada Ammaanka degmada buulo-Burde iyo maleeshiyaadka deganka ah ayaa sii xoogeysatay kadib markii shalay degmadaasi ay gaareen saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, kuwaas oo la sheegay inay halkaasi u tageen Maxkamadeynta ragga xiran.