Wararka Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ay ka haleyso Deegaanka Galaadi oo hoostaga Degmada Wardheer ee Gobalka Doolo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal.
Laba beelood oo halkaasi wada dega ayaa la sheegay inay xiisadaas u dhaxeyso,kuwaas oo shalay gelinkii dambe ku dagaalamay deegaanka Galaadi, isla markaana dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ilaa laba ruux.
Beelaha Dagaallamaya ayaa lagu sheegay in yhiin Soomaalida degta Gobolka Doollo Ee Dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ee Dalka Itoobiya.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in weli laga maqlayo rasaas goos goos ah duleedka deegaanka Gallaadi oo shalay uu dagaalkla ka dhacay, isla markaana weli ay casbi dareemayaan.
Dadkii ku dhaawacmay dagaalka labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la geeyey dhaawacooda Isbitaalka Degmada Wardheere Gobolka Doollo Ee Maamulka Soomaali State,,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in uu socdo hub aruursi ay wadaan labada dhinac.



