Xiisad dagaal oo ka Taagan gobolka Sool

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaaliland Ciidamo badan iyo Gaadiid dagaal ay geysay  geysay  aaga Qori lugud ee gobolka .

Wararka ayaa sheegay in Xiisad dagaal  saakay ay ka taagan Bukhdharkeyn , Qorilugud iyo degaano kale oo katirsan gabeedka gobolka Sool

Saraakiisha SSC khaatuma ayaa ku Eedeeyay Soomaliand in   Abaabul dagaal ay ka wadaan gobolkaas.

SSC Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in dhowr jeer wada hadal ay ku baaqeen si looga baaqsado dagaal markale ka dhaca goboka  Sool.

Dhaqdhaaqyada Ciidanka  Soomaaliland ay ka bilaabeen gobolka Sool ayaa ku soo aadaya Xilli  Weli labada dhinac   ay isku horfadhiyeen  degaano ka tirsan gobolka Soo waxaana laga baqdsin qabaa in labada dhinac uu dagaal ku dhexmaro halkaas.