Xiisad dagaal oo ka taagan degaanka Abal

Wararka naga soo gaaraya degaanka Abal ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Mukhtaar Roobow ee halkaasi ku sugan iyo sidoo kale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Degaanka Abal ayaa waxaa ku xooggan Maleeshiyaadka Mukhtaar Roobow, waxaana bilihii lasoo dhaafay kaabiga ku hayay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Shalay ayaa Ciidamo Daacad u ah Mukhtaar Roobow, waxa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn degankaasi.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen dagaalkaasi in ay ku dileen saraakiil oo uu ka mid yahay C/laahi Mukhtaar Rooboow oo ahaa wiil uu dhalay Abuu Mansuur iyo Taliyihii Abuu Mansuur oo magaciisa lagu soo gaabiyay Manuur Ganeey.