Hogaamiyaha xulka Argentina iyo kooxda Bacrelona Messi ayaa lasoo warinayaa inuu wax ka baran doono macalinka kooxda Liverpool Klopp, lamana aamini karo labo ka mid ah xiddigihiisa.
Liverpool ayaa ku jirta baadi goob ciyaaryahanda ah qaar ka mid ah xiddigaheeda ayey iska diri doonta halka kuwa kale ay laso saxiixan doonto si xilli ciyaareydka soo aadan ay isku adkeyso.
Barcelona ayaana ku guuleysatay horyaalka iyo Copa Del rey xiddigaha kooxda haatan ku sugan ayeyna ku qaaday micnaheeda ay tahay in xiddigo kale ay u baahnayn.
Messi ayaa rajeynaya kooxda Catalan ka timaada in dib u dhis lagu sameeyo si xilli ciyaareydka soo aadan ay champions league ugu dagaalamaan.
Sidoo kale saxaafda dalka spain ayaa laga soo warinayaa xiddigan reer Argentina inuu helay warar ku saabsan Liverpool inuu helay.
Waxaa intaas ay saxaafada kusii daraysaa Messi inuu wax ka baran doono Klopp qaabka uu isha ugu haayo Jasper Cillessen, xiddigan ayaa Barca 2016-ka kaga soo biiray kooxda Ajax, wuxuuna laba sano kursiga keydka ugu jiraa Marc-Andre Ter Stegen.
Messi ayaa wali si fiican u fahmaya Klopp kaasoo doonaya inuu Cillessen ka dhigto boska koowaad,sidoo kale wuxuu sheegay in aan la aamini Karin Simon Mignolet ama Loris Karius, Mignolet ayaa Liverpool 2013-ka kaga soo biiray Sudnerland.
Si kastaba xiddigan reer Belgium ayaa doonaya siduu uga baxsan lahaa dhulka qaboob, Karius ayaa Liverpool asigoo shabaqa ilaalinaya u gububtay kama dambeyska tartanka champions league, waxaana ay la balan sanyihiin Real Madrid.



