Xiddig ka tirsan Chelsea oo wadnaha jaray Jose Mourinho

Willian ayaa balan qaaday inuu mustaqbalkiisa uu u hibeeyay kooxda Chelsea, ka dib warar soo baxay oo  sheegayay inuu bartilmaameed u yahay kooxda Jose Mourinho ee Manchester United.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa si joogto ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Antonio Conte xilli ciyaareedkan, lakiin weli waxa uu umuuqdaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxdiisa.

28-sano jirkaan ayaa dhaliyay labo gool kulankii Chelsea ay 4-2 kaga badiyeen Tottenham semi-finalka FA Cup bishii la soo dhaafay, waxaana uu qeyb ka qaatay kooxdii Bules ee ku guuleysatay Premier League xili ciyaareedkaan.

Wararka ayaa sheegaya in Mourinho ay ka go’an tahay in Willian uu usoo dhaqaajiyo Old Trafford, xili labadaan shaqsi waqti ay ku qaateen Stamford Bridge ka hor inta aan la ceyrin macalinka Portugal sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa inuu seego saxiix Willian macalin Jose Mourinho, maadaama uu sheegay inuu ku faraxsan yahay galbeedka London kooxda ka dhisan.

mustaqbalkayga waa halkaan iyo Chelsea, “ayuu yiri xiddigan “Waxaan heystaa qandaraas ilaa 2020 waana ku faraxsanahay Bules.

“Mararka qaar waxaan ogahay in ciyaaryahan ahaan wax badan aan ciyaarin, laakiin waxaan fahasanahay sababta aan u ciyaarin ayuu yiri xiddigan garabka ka ciyaara.

Willian iyo saxiibkiisa Thibaut Courtois, ayaa sii joogi doona Stamford Bridge, inkastoo goolhayaha Belgium bartilmaameed u yahay kooxda Real Madrid.