Xavi Hernandez Oo Uga Digay Barcelona Iney Sameyso Qaladkii Ugu Weynaa Taariikhdooda

Halyeyga Barcelona Xavi Hernandez ayaa ku booriyay kooxdiisa ka dhisan gobolka Catalan iney heshiiska u kordhiyan Lionel Messi isagoo aaminsan in kabtanka Argentina uu aad ugu baahan yahay kooxda.

29-jirka reer Argentina ayaan heshiiska u kordhin Balaurana inkastoo heshiiskiisa haatan uu dhacay 2017/18, mana jiraan wali wax lagu heshiiyay.

Xavi wuxuu kalsooni ku qabaa in Leo uu heshiis cusub saxiixi doono, balse wuxuu Barcelona uga digay iney sameeyan qaladkii ugu weynaa taariikhdooda.