Xasuuqa Ciidanka AMISOM oo lagu baaqay in baaritaan Caalami ah lagu Sameeyo

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa si deg deg ugu baaqday in Baaritaan lagu sameeyay Xasuuqa ciidamada AMISOM ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in Midowga Afrika looga baahan yahay in uu ka hadlo dhibaatada lagu haayo dadka shacabka ee Soomaaliyeed , islamarkaana ay sameynayaan ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.

HRW oo si gaara ah uga hadashay 14 shacab ah oo sanadkii 2016-dii ciidanka dowladda Itoobiya ay ku dileen degaanka Wardiinle ee gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegtay in ilaa iyo hadda AMISOM aysan ka bixin Magdhow dadkii lagu dilay Wardiinle, taasina ay tahay Xusuuq aan waxba la iska waydiin.

” Dilkii loogu geystay degaanka Wardiinle  Macalimiin dugsi iyo sidoo kale Odayaal, wali Ciidanka dowladda Itoobiya ma bixin faahfaahin lagu qancikaro , mana jirto wax magdhow ah oo ay heleen Ehelada dadkii la xasuuqay ,waxaana ugu baaqaynaa in ay arintaasi baaritaan ku sameyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ” Sidaas waxaa yiri Laetitia Bader, oo ka tirsan Human Rights Watch

HRW ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku dadaali doonto sidii maxkamad loo soo taagi lahaa kuwii geystay Falkaasi Naxdinta badan.

Waxaa ay sidoo kale tilmaamtay in ay tahay wax laga xumaado in dadka shacabka ay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda Itoobiya ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-da waxaa ay 14 qof oo shacab ah ay ku dileen degaanka Wardiinle ee gobolka Baay.