Xasan Sheekh & Shariif Xasan oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ahna guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran oo dhawaan soo gaaray Muqdisho.

War kasoo baxay Xisbiga Midowga iyo horumarka oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid sanaan iyo is-xog wareysi ah,hayeeshee aan wax faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Hayeeshee Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in ay labada mas’uul ay isla soo hadal qaadeen xaalada siyaasadeed ee dalka ee lagu guda jiro xilliga kala guurka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalma ka hor dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato siyaasiyiinta saameynta ku leh dalka.