Dhageyso:-Aabe Maxamed Dhayoow oo cadeeyay sababta uu u dilay Wiilkiisa

Aabe Maxamed Dhayoow Aadan oo habeen ka hor Wiilkiisa ku riday Wabiga Shabeelle ee Magaalada jowhar ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in uu Wiilkiisa dilo.

Maxamed Dhayoow Aadan waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu noqday mid isticmaala waxyaabaha maanka dooriya sidoo kale uu ka xaday Xoolo badan uu lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowr jeer oo hore dad uu xoolo farabadan ka qaatay uuna ka dhiibay,hayeeshee ugu dambeyn uu Wabiga ku riday sidaasina uu ku dhintay.