Xasan Sheekh oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee (UDP) Xasan Sheekh Maxamed iyo Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka 2021 iyo qodobo kale.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa sheegay in muhiimada ay tahy sidii saamileyda Siyaasadda ee dalka ay qeyb uga noqon lahaayeen howlaha doorashooyinka Soomaaliya.