Xasan Sheekh iyo Al-Siisi oo ka shiray amniga, iskaashiga milatari iyo xasilloonida gobolka

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi, ayaa maanta Qaahira ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, booqasho rasmi ah oo muujinaysa xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Masar.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa ka mid ahaa salaan sharafeed oo ay sameeyeen ciidanka ilaalada, calanka iyo heesta qaranka labada dal oo la tumay, sawir xusuus ah oo ay wada qaateen labada madaxweyne, kaddibna waxaa dhacay kulan gaar ah iyo shir ballaaran oo ay ka qeyb galeen wafdiyaal ka kala socday labada dowladood. Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale martiqaad sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar, Safiir Maxamed Al-Shennaawi, ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Siisi uu mar kale adkeeyay mowqifka joogtada ah ee Masar ee ku aaddan taageerada midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo si cad u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka Soomaaliya, isla markaana ka digay ficillo lid ku ah Axdiga Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay farxad uu u qabo booqashada uu ku yimid Masar iyo kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Al-Siisi, isagoo ku ammaanay Masar doorka ay ka qaadato taageerada midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo sidoo kale dadaallada ay ku bixiso sugidda amniga Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo Madaxweyne Al-Siisi uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda hirgelinta heshiiska iskaashiga istiraatiijiga ah ee la saxiixay bishii Janaayo 2025. Waxaa la isla gartay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, horumarinta, waxbarashada, dhismaha awoodda, iyo caafimaadka, iyadoo Masar ay ballanqaadday inay Soomaaliya u diri doonto wafdi caafimaad oo takhasusyo kala duwan leh.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray iskaashiga amniga iyo milatariga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, iyadoo Masar ay muujisay diyaar garow ay kula wadaagto Soomaaliya khibradeeda iyo taageerada ay u fidin karto hay’adaha amniga.

Sidoo kale, labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee gobolka, iyagoo isku raacay in khilaafaadka lagu xalliyo waddo nabadeed, lana xoojiyo amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyo in mas’uuliyadda sugidda ammaanka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay saaran tahay dalalka ku teedsan.

Ugu dambeyn, labada madaxweyne ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id, iyadoo Madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi uu adkeeyay in Masar ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada ay ku taageereyso amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas