Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo Wali Xiran

Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa wali xiran ka dib markii xalay ay la wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaa soo ka socday  Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhammaan Xafiisyadda dowladaha ee Muqdisho ayaa xiran, waxaana halkaasi loo diiday in ay galaan Shaqaallaha maamulka gobolka Banaadir.

Ciidamadaan ayaa tagay xalay xarunta ka dib markii lagu qabtay doorasho lagu sheegay in lagu doortay Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Dadka reer Muqdisho ee adeegyadda ka rabay xarunta iyo dadka shaqeysta xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa saakay kusoo baraarugay iyo iyadoo lagu jaran gawaarida dagaalka waddooyinka laga galo.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Madaxweyne Farmaajo uu saakay Magacaabay maamulka gobolka Banaadir sidoo kalena uu xilka ka qaaday , kuwii hore.