Maxkamad Milateri oo ay xukumaan urrurka Xamaas ayaa maanta gelinkii dambe Marinka Qasa ku xukuntay Lix ruux oo ku eedeesnaa in ay la shaqeynayeen Maamulka Yahuuda.
Lixdaan ruux ee la maxkamadeeyay ayaa lagu xukumay dil, waxaana sidoo kale maxkamada ay xukuntay Sideed eedeesanayaal kale oo lagu xukumay xili xabsiyeedyo kala duwan, waxaana dhamaantood lagu soo oogay in si hoose ay ula shaqeynayeen Maamulka Yahuuda ee Isreal.
Afayeen u hadlay ururka Xamaas oo magacaiisa lagu sheegay Iyad Al Basm ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan maxkamadeynta nuucaani oo kale ah waxa uuna wacad ku maray in sidaan oo kale ay maxkamad soo taagi doonaan cid waliba oo ku lug lahaataa falalka uu ku tilmaamay basaasnimada.
Ururka Xamaas ayaa tan iyo 2007 dil toogasho ku fuliyeen ilaa 28 ruux oo Falastiiniyiin ahaa, waxaana ka dhashay walaac xoogan balse waxa ay u muuqataa in Xamaas dhag jalaq u siineyn.
XIGASHO: Aljazeera TV.



