Caawa maqribkii ka kidib waxa ii muuqatay bishii carafo. Taas oo micnaheedu yahay in dad fara badan oo soomaali ah oo badankoodu 10 jeer ama ka badan soo xajiyay, hadana ay aadi doonaan.
Waxa aan mar walba hoosta iska waydiiyaa si muruga leh: tolow dadkaas dad masaakiin ah lama dhalan miyaa? Hadaan masaakiin la dhalansa, deris baahan uma dhowa miyaa?
Yaa ka dhaadhicin kara dadkaas in ay ka ajir badnaa lahayd in masaakiinta lagu taageero dhaqaalahaas xajka ku baxaaya, ee loogu naqnaqanaayo sida dalxiis oo kale.
Yaasa u sheegi kara in Nabi Muxammad SCW uu hal mar uun uu xajiyay, oo uu ku mashquushanaa hawla kale oo ku muhiimsan?
Imisa ayaa baahi nooc walba ahi ay haysaa oo u baahan taageera degdeg ah? Xag cuno, xag daawo iyo xag waxbarasho intaba.
Imisaa agoon, garoobo, masaakiin, naafo iyo sabool noo jooga oo caawin u baahan? Liisku waa dheeryahay.
Goormaan fahmaynaa sida cibaadadu u kala ajir badantahay? Goormaansa fahmaynaa in baahida dadka in la daboolo ay ka ajir badantahay Xaj suna ah oo aan laguugu lahayn.
Maxaa wax badan naga qaloocan oo toosinteedu waqti dheer u baahanyahay.


