Xafiiska diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda oo Maanta la furay”Sawirro”

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya laga daahfuray Xafiiska diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka ka jira.

Xafiiskaan ayaa waxaa furay Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka dalka.

Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil oo Munaasabada ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in Xafiiskaan shaqadiisa ay noqon doonto diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadeed, maadaama dalka hadda aysan ka jirin xisbiyo la aqoonsan yahay.

Horay waxaa loo magacaabay Madaxa diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda oo laga dhigay Xildhibaan hore Maxamed Cumar Maxamuud.

18622469_1488857457799589_2377914377535827572_n 18557137_1488857474466254_6484805670282950809_n