Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta dib loo howlgaliyay xafiiska bixinta Baasaboorada ee Safaarada Soomaaliya dalka ay ku leedahay Hindiya
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dhameystirtay dhammaan saraakiishii iyo qalabkii looga howlgali lahaa xafiiska bixinta Baasaboorada India oo mudooyinkii dambe hakad ku jiray.
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Hindiya iyo muwaadiniinta kale ee ku nool dalkaas ayaa loo diyaariyay xafiiskan in uu daboolo baahiyadooda dhanka Baasaboorka ah.




