Xabbad-joojin looga dhawaaqay dalka Suudaan

Sudan's Army chief Abdel Fattah al-Burhan (C) and paramilitary commander Mohamed Hamdan Daglo (L) lift documents alongside civilian leaders following the signing of an initial deal aimed at ending a deep crisis caused by last year's military coup, in the capital Khartoum on December 5, 2022. - The past year has seen near-weekly protests and a crackdown that pro-democracy medics say has killed at least 121, a spiralling economic crisis exacerbated by donors slashing funding, and a resurgence of ethnic violence in several remote regions. Divisions among civilian groups have deepened since the coup, with some urging a deal with the military while others insist on "no partnership, no negotiation". (Photo by ASHRAF SHAZLY / AFP)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhinacyada isku haya Suudaan ay ku heshiiyeen xabbad joojin 72 saacadood ah laga bilaabo saqdii dhexe ee xalay.

Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin.

Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday 48 saacadood.

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15-kii bishan April.

Labada dhinac ayaa si madax banaan ugu dhawaaqay inay ku lug leeyihiin xabbad-joojinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka digay rabshadaha ka socda Suudaan in ay sababi karaan iskudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gobolka oo dhan iyo meelo kale.

Tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen, dadka ku nool caasimadda uu dagaalku ka qarxay ee Khartoum ayaa loo sheegay inay guryaha ku jiraan, iyadoo ay gabaabsi ka noqdeen saadka cunnada iyo biyaha.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday kaabayaasha muhiimka ah, sida dhuumaha biyaha, taasoo la micno ah in dadka qaar lagu qasbay inay ka cabbaan wabiga Nile.

Waxaa jiri doona rajo ah in xabbad-joojinta ay u oggolaato dadka rayidka ah inay ka baxaan magaalada.

Dawladaha ajinabiga ah waxay sidoo kale rajeynayaan inay ogolaadaan sii daadgureynta dalka.