Xaaf oo la kulmay Wakiilada QM & Midowga Afrika

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Magalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa uu la kulmay Qaramada Midoobey, IGAD & Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay isku weeydaar sadeen aragtiyo la xiriira waxyaabaha mudnaanta qaran la siinayo 2020, oo ay ku jiraan dhammeystirka Dastuurka, ammaanka iyo doorashooyinka.

Kulanka oo muddo badan qaatay ayaa waxaa ugu dambeyn lagu soo hadal qaaday Arrimo la xiriira doorashooyinka Galmudug oo ay haatan ku howlan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ilgaar ah ku haayaan Wakiilada Beesha Caalamka.