Xaaf: “Dad aan talin jirin baa taliyay oo dadkii talin jiray waa taggeen”

Cadaado-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in Soomaaliya ay meel xun ku socoto, sababo ku aadan talada dalka oo ay qabsadeen dad aan talin jirin, sida uu yiri.

“Dhib ayaa Soomaaliya ka jira, Dad aan talin jirin baa taliyay oo dadkii talin jiray waa taggeen, Soomaaliya meel xun bay ku socotaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa yiri “Anagu waxaan ka shaqaynay bal in umadda Soomaaliyeed la isku soo celiyo, oo Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay isu yimaadaan, aayahooda ka tashadaan, Ilaahay haku soo hanuuniyo qoloda Dowladda Federaalka, anagu taladii waan soo qornay, waana maqasheen baan u maleynaya.”

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in reer Galmudug looga baahan yahay inay Magaalada Cadaado ka nadiifiyan waxa uu ku sheegay masaska iyo halaqyada dhex jiifa, haddii kalena ay lumi doonaan.

“Cadaado iyo Galmudug aad iyo aad baan idin salaamaya, roobku waa yar yahay Allaha noo badiyo. Anaguna magaalada inaan ka shaqaysano amnigeeda sugano oo halaqyada iyo masaska dhex jiifa iska saarnaa la rabaa, haddii aan saan ku sii jirno waan lumeynaa.” Ayuu yiri Xaaf.