Kooxda dhawaan u soo dallacaday horyaalka Premier League ee Wolverhamoton Wonders ayaa shaacisay qiimaha lagu xidigeeda qadka dhexe ee Roben Nevales.
Neves ayaa soo jiitay indhaha tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola kaas oo aad ula dhacay qaab ciyaareedka xidigan.
Xidigan heerka caalami ee reer Portugal ayaana kamid ah xidigaha Wolves ka caawiyay in ay dib usoo laabato Premier League.
Yeelkeede, The Times ayaa baahisay in kooxda tababare Nuno Sprito aya madaxa Neves duldhigtay aduun dhan 110-malyan oo gani.
Tan ayaana kadhigan in Manchester City ay kafiirsan doonto xiisaha ay u qabto xidigan maadaama ay horay ugu doonaysay in ay bisha janauary kusoo qaadato 60-malyan oo gani.



