Wararka naga soo gaaraya degmada Howlwadaag gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako ayaa waxa ay sheegayaan in nin dhalinyaro ah oo dhawaan ka yimid dalka dibadiisa uu ku dilay Walaalkiis.
Sidda ay sheegeen dadka degaanka dilka wiilka waxaa uu u adeegsaday Toorreey, waxaana la sheegay in labadooda uu ka dhaxeeyay muran ku saleysan dhaxal.
Gacan ku dhiiglaha falka dilka gaystay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Cali, waxaana Marxuumka dhintay lagu magacaabi jiray Xasan Laari.
Cabdi Cali ayaa ka baxsaday Xaafadii uu dilka ka gaystay, waxaana baadigoobaya ehelkiisa iyo Ciidamada Booliska Degmada Hawlwadaag.



