Liverpool ayaa gabi ahaanba laga reebay tartanka FA Cup kadib markii ay gurigeeda kusoo dhaweysay West Bromwich Albion kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa wareega 4-aad ee tartanka qadiimka ah.
Macalin Alan Pardew iyo wiilashiisa ayaana laba cad ka dhigay dhigooda Jurgen Klopp, iyadoo Jay Rodrigeuz uu laba jeer shabaqa soo taabtay, sidoo kale goolka sadexaad ee West Bromwich Albion waxaa shabaqiisa ku leexiyay Matip.
Liverpool waxey labada gool ka heshay Roberto Firmino iyo Mohamed Salah, sidoo kalana waxey iska qasaariyeen rigoore loo dhigay qeybtii hore markii Firmino uu birta kore ku garaacay.
Sidoo kale kulanka waxaa lagu garsooray aaladda VAR oo keentay in gool laga diido West Bromwich Albion qeybtii hore ciyaarta.
Si kastaba natiijada ciyaarta waxey ku dhamaatay 2-3 oo ay guusha ku raacday kooxdii martida aheyd ee West Brom.
XOGTA KULANKA:
Liverpool (4-3-3): Mignolet; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Moreno; Oxlade-Chamberlain (Milner 64), Can (Henderson 64), Wijnaldum; Mane (Ings 64), Firmino, Salah
keyd aan la adeegsan: Lovren, Gomez, Solanke, Ward
Goals: Firmino 5; Salah 78
jaale: Can 60
West Brom (4-4-2): Foster; Nyom, Dawson, Evans, Gibbs (Hegazi 36); Livermore, Barry (Yacob 70), Krychowiak, Brunt; Robson-Kanu (Phillips 38), Rodriguez
keyd aan la adeegsan: Rondon, Myhill, McClean, Burke
Goals: Rodriguez 7, 11; Matip OG 45+2
Jaale: Barry 25; Dawson 82; Hegazi 84
Garsoore: Craig Pawson



