Tababarihii kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa dhaleeceeyay macalinkii ka bedelay shaqada ee Unai Emery ka dib markii uu tababaraha reer Spain ka hadlay sida uu u dhaxlay kooxda.
Emery ayaa dhawaan waraysi uu siiyay France Football ku sheegay in Gunners ay ku jirtay xaalad hoose” markii uu shaqada kala wareegay Wenger sanadkii 2018.
Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay ciyaartoydiisa oo uu sheegay in aysan laheyn dabeecad wanaagsan”, laakiin Wenger wuxuu yiri Emery waa inuusan ku dhaleeceynin wax aan jirin dadka.
“Sanadkii 2017 waxaan helnay 75 dhibcood waxaana ku guuleysanay FA Cup sidaas darteed ma dhihi kartid Arsenal hoos ayey u dhacday sannadki ka horreeyayna 2016 waxaan ku dhameysanay kaalinta labaad ee horyaalka,” ayuu yiri Wenger.
“2018 wuxuu ahaa sanadkeygii iigu dambeeyay laakiin aad ayey u adag tahay inaan wax walba iska sheego.
“Arsenal waa koox ku jirta meel aad u xoog badan dhaqaale ahaan. Waxay leedahay ciyaartoy wanaagsan, intaas kadib marka aad tababare tahay waa inaad u istaagtaa waxa aad sameyso iyo natiijadaada islamarkaana aadan hareerahaaga eegin.
Taasi waa waxa kaliya ee aad sameyn karto. “ayuu yiri tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger.