Carruur dhimatay kaddib markii ay cuneen doolsho sumeysan

Labo carruur ah ayaa ku dhimatay dalka Uganda halka 11 kalena loola cararay isbitaal kaddib markii ay cuneen doolsho lagu dubay saliid sumeysan, sida laga soo xigtay wargeyska The Daily Monitor.

Carruurtan waxay kasoo jeedaan hal qoys ah oo ku nool deegaanka Budumba ee dhaca galbeedka Uganda.

Wargeyska ayaa sidoo kale ku warramay in carruurta ay iyagu karsadeen doolshada sumeysneyd balse ay ku khaldameen maaddo sun ah oo horseeday inay ku kariyaan doolshaha.

Sunta ay saliidda ahaanta u adeegsadeen carruurta ayaa waxaa lagu buufiyaa beeraha khudaarta, sida uu ku warramay wargeyska.