Somaliland oo Ciidamo geysay duleedka Buuhoodle & Xiisad ka jirta

Wararka laga helayo Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ay sheegayaan in Soomaaliland ay xalay ilaa Maanta Ciidamo farabadan geysay deegaano duleedka ka ah Magaalaadaas,halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad dagaal.

Deegaannada ay Soomaaliland Ciidamada geysay ayaa waxaa ay kala yihiin deegaannada howdka ah sida,Yeyle ilaa horufadhi sida dadka degaanku sheegayaan,waxaana jirta xiisad u dhaxeysa Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Jabadda SSC iyo meeleeshiyo beeleed hubaysan,kuwaas oo dagaal kula jira Soomaaliland.

Dhinaca kale Magaalada Buuhoodle ayaa dad ku sugan dhankooda waxaa ay sheegeen in Gudaha Magaalada ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo Ciidan,isla maraana ay arkayaan Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka,kuwaas oo ka tirsan Jabhadda SSC.

Dadka ku nool Magaalada Buuhoodle iyo deegaannada hoostaga ayaa waxaa ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi ku aadan in dushooda ay ku dagaalamaan Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda SSC ee ku sugan Magaalada Buuhoodle.