Wenger oo muddo kadib seegay shirka jaraa’id ee kooxdiisa ka hor kulanka Stoke City

Tababare Arsene Wenger ayaa muddo kadib laga waayay miiska shirka jaraa’id ee kooxda, waxaana badalkiisa warbaahinta wajahay Steve Bould oo muddo 11-sanadood ah ku sugna garoonka Emirates Stadium.

Steve Bould ayaa qirtay in Wenger uusan hadli karin isla markaana uu ka badalayo shirka jaraa’id sidaas darteed waxey sheekadaan layaab ku noqotay dhamaan jamaahiirta kooxda iyo sidoo kale wariyayaasha.

Steve Bould wuxuu sanadkii 2012 noqday caawiyaha kooxda isagoo badalay Pat Rice, balse muddo dheer ayuu kasoo shaqeeyay kooxda iyo akadeemiga.

Sidoo kale Bould wuxuu qiray inuusan aqoonin hadii Wilshere iyo Lacazette ay ciyaari doonaan kulanka Stoke city ee dhici doona maalinimada axadda ah.