Wenger Oo Cadeeyay Booska Uu Ciyaari Doono Walcott Xili Ciyaareedka Dambe

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu weli aaminsan yahay Theo Walcott in uu yhaya weeraryahan, waxaana uu wacad ku maray in uu kor u qaadi dooni xirfadiisa xilli ciyaareedkan.

Walcott, oo inta badan mustaqbalkiisa Arsenal garabka midig ku qaatay, waxaan uu dhawaan codsaday in laga ciyaarsiiyo doorka weerarka dhaxe,

Si kastaba ha ahaatee, 27-sano jirkaan ayaa tan iyo markii uu codsaday weerarka, waxa uu taageere ka helay halyeeyadii hore ee kooxda,

Laakiin Wenger ayaa amaanay Walcott isagoo sheegay in wakhtigaan uu siin dono fursad uu kaga ciyaaro booska weerarka.

“Waxaan aaminsanahay Walcott win uu leeyahay falsafada uu weeraryahan weyn ku noqon karo,” ayuu u sheegay saxaafada ka dib markii Arsenal 8-0 kaga badiyeen kooxda Viking kulamada saxiibtinimo ee ka horeeya xilli ciyaareedka.