Arsene Wenger Oo Weerar Afka ah ku qaaday Zlatan Ibrahimovic

Zlatan Ibrahimovic scored four minutes into his debut for Manchester UnitedTababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger, ayaa sheegay in Zlatan Ibrahimovic uusan ahayn xaqiiqdii mid ku guuleysan kara xilli ciyaareedkan Premier League.

Ibrahimovic ayaa ku biiray Manchester United xagaagan ka dib markii xirfadihiisa kubadda cagta uu kusoo kala qaatay Ajax, Juventus, Inter Milan, Barcelona AC Milan,iyo Paris Saint-Germain.

Waxa uu ku dhaliyay kaliya afar daqiiqo gool markii ugu horeysay ee uu u saftay United kulan ka tirsanaa ciyaaraha saxiibtinimo ee ka horeeya xilli ciyaareedka ,markasoo kooxdiisa garaacday Galatasaray.

Wenger ayaa qiray talantiga xiddiga Sweden, laakiin waxa uu sheegay in da’da – 34 jirka  aysan ka dhigi doonin mid ku guuleysta Premier League.

“Daacadii, Anigu garan maayo sida uu u heli doono awood dheeri ah,” Wenger aya asheegay ka hor kulanka kooxdiisa wajaheyso Manchester City.

“isaga waxa uu ahaa xiddig sare, tayadiisa waa mid weyn, waxa uu doonayaa inuu sameeyo wax wanaagsan ,lakiin taasi kama saaci doonto in uu la qabsado da’ahaan halkan ayuu yiri.