Barcelona Oo Xaqiijisay In Ciyaaryahan Thomas Vermaelen Uu Tijaabo Caafimaad U Marayo Kooxda Roma

Kooxda Barcelona ayaa waxaa ay si rasmi ah u xaqiijisay in daaficii hore ee Arsenal Thomas Vermaelen uu tijaabada caafimaadka u marayo kooxda Roma , taasi oo ka dhigan in kooxda reer Italy ay soo gaba gabeeyneyso heshiiska ciyaaryahankaan.

Dhanka kale Kooxda Roma ayaa waxaa ay jimcadii sheegtay gaar ahaan Macalinkooda Spalletti in kooxda ay ju raadjoogto 30-sano jirkaan reer Belgium.

Kadib hadalkaasi laga helay kooxda Roma , ayaa hadana la ogaaday in kooxda Barcelona ay si rasmi ah Bogeeda ugu xaqiijisay ku biiritaanka xidigaan uu ku biirayo kooxda Roma.

”Kooxda waxaa ay xaqiijineysaa in Vermaelen uu u duulay Roma si uu tijaabo caafimaad ugu maro kooxda Roma.

Varmalen ayaa Barcelona kaga yimid dhanka iyo Arsenal sanadkii 2014, laakiin xidiga ayaan qabsan Comp Nou taasi oo keentay inuu iska aado dhanka iyo Italy.

Xidigaan waayihiisa ciyaareed waxaa hoos u dhigay dhaawacyo ay xidiga saameeyeen xilligii uu joogay Arsenal.