Saacadihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacay weeraro lagu dilay laguna dhaawacay muwaadiniin Soomaali ah,kuwaas oo ay geysteen Burcad u dhalatay dalkaasi Koonfur Afrika.
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa goobtiisa Ganacsi waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalin Cali, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Sidoo kale xalay waxaa Tuulada (Strand) oo hoostagta Magaalada CapeTown dhaawac ay Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ay u geysteen u geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Iidoow.
Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika kana mid ah Ganacsatada ayaa Risaala waxaa uu u sheegay in ay soo wajahday Cabsi ballaaran,kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay kordheen weerarada lala beegsanayo Soomaalida.
Bishaan Gudaheeda waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay 5 Dhalinyaro Soomaali ah oo ku Ganacsanayay dalkaasi,waxaana ilaa iyo hadda Ganacta lagu dhigin Kooxihii ka dambeeyay dilalkaas.



