Weerar Xooggan oo lagu dilay 20 Askari

Ugu yaraan 20 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Afghanistaan ayaa lagu dilay Weerar xooggan oo Kooxda Talibaan ay ku qaaday Waqooyiga dalka Afghanitaan.

Maleeshiyaadka Kooxda Taalibaan ayaa Weerar ku qaaday Ciidamada Afghanistaan oo ku sugnaa saldhig ku yaalla gobolka Zupul ee dalka Afghanistaan.

” Ugu yaraan 20 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa Saakay ku dhintay Weerar ay soo qaadeen Kooxo hubeysan 10 Kalena waa la dhaawacay” ayuu yiri Sarkaal Sare.

Kooxda Talibaan ayaa bilihii lasoo dhaafay laba jibaartay Weerarada ay ku heyso Ciidamada Afghanistaan.