Sida ay Risaala u sheegeen Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay labo beelood oo walaalo ah ayaa maanta ka dhacay degaanka Baar oo 30 KM u jira Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa Mid xooggan ,islamarkaana geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku adeegsanayay qoriga Ak47 ah, dagaalkana wuxuu saameeyay degaanka Baar oo dadkii joogay ay ka carareen, si rasaasta aysan khasaare uga soo gaarin.
Maleeshiyaad hubaysan ayaa shalay degaankaasi ku dilay Afar ruux oo laba caruur ay yihiin labana dumar ay yihiin, sidoo kale waxa ay gubeen guryihii dadkaasi ay daganaayeen.
Gudoomiyaha ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa Maleeshiyaadka dagaalamaya ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan.


