Taliye ku xigeenka Xabsiga Dhexe ee Xamar General Maxamed Sheekh Cumar ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka SONNA in xabsiga dhexe ay ku dhimatay Deeqo Diraac oo ku xukuneyd 15-sano oo xabsi ciidan ah.
Waxaa uu sheegay xanuunka Macaanka Ama Sokorta in ay ugu geeriyootay Isbitaal ku yaalla Xabsiga dhexe ee Xamar.
Taliyaha ayaa sheegay in mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaalla xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasina ay la tacaalayeen xaaladeeda caafimaad dhaqaatiir ka kala socday Isbitaalka Keydsaney iyo kuwa isbitaalka Xabsiga dhexe, islamarkaana baaritaan kadib la xaqiijiyey in ay qabtay xanuunka Macaanka.
Deeqo Diraac ayaa horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxa ay ugu xukun tahay 15 Sano oo ah xabsi ka dib markii lagu eedeeyay in ay la shaqeyso Al-Shabaab.



