Diyaar garow ku aadan caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa laga dareemaaya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusii qulqulaya Ergooyin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug.
Sida ay Risaala u sheegeen saraakiil ku dhow Madaxtooyadda Galmudug Maanta ayaa lagu waddaa in Mas’uuliyiin kala duwan oo qeyb galeysa Caleema Saarka in ay gaaraan Magaalada Cadaado.
Kooxda Qabanqaabada Caleema Saarka Madaxweynaha ayaa shalay gaaray Cadaado.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Risaala u sheegay in Madaxweynaha la caleema Saari doono Talaada iyo Arbacadda Midkood.
Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.


