Wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.
Dagaal ayaa waxa uu salka ku haaya Anooyin Qabiil , waxaana shalay degaanka Baar lagu dilay labo haween ah iyo sidoo kale labo carruur ah.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya qoriga Ak47 ah, dagaalkana wuxuu saameeyay degaanka Baar oo dadkii joogay ay ka carareen, si rasaasta aysan khasaare uga soo gaarin.
Inta la xaqiijiyay dagaalka ka socda duleedka Magaalada Baledweyne waxaa ku dhintay hadda labo ruux.
Maamulka Hiiraan iyo sidoo kale waxgaradka ayaa waxa ay waddaan dadaallo kala duwan oo dagaalka lagu joojinaayo


