Wadahadalada Khaatuma iyo Somaliland oo Furmaya

Wadahadalada maamulada Khaatuma iyo Somaliland ayaa lagu waddaa in ay ka furmaan Magaalada Djabouti ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaha maamulka Khaatuma ayaa xalay gaaray Magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaasi oo uu kaga sii gudbi doono dalka Jabuuti.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa Somaliland iyo Khaatuma waxaa u socday wadahadallo lagu heshiisinaayo , waxaana Khaatuma ay qarka u saaran tahay in ay ku biirto maamulka Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay gaaraan dalka Jabuuti si ay uga qeyb galaan wadahadalada.

Shacabka kunool degaanada maamulka Khaatuma ayaa taageersan dowladda Soomaaliya, waxaana Somaliland ay doonaysa in  dadkaasi ay ka mid noqdaan dadka Somaliland ee goostay.