Wararka naga soo gaaraya Degaanka Tooro-tooroow ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay weerar ku qaadeen ciidamo isugu jira Soomaali iyo sidoo kale Ajaanib.
Degaanka Tooro-Toorow waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan oo xalay weerar kusoo qaaday.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal.
Waxa ay sheegeen in ay soo weerareen ciidamo Mareykanka ah , laakiin ay iska caabiyeen .
Ilaa iyo Hada si cad looma oga khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay weerarka xalay ka dhacay degaanka Tooro-tooroow.
Ciidamo Mareykan ah ayaa horay dhowr jeer weeraro kala duwan ugu qaaday degaanka Tooro-tooroow oo ay joogaan Al-Shabaab.


