Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay Xaafad ka tirsan Baladweyne ka geysteen dil iyo dhaawac.

Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bustoolado ayaa waxaa ay Xaafada Howl-wadaag gaar ahaan agagaarka aargada Sheekh Xasan barsane ku toogteen Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo qof shacab ah.

Wariye ku sugan Baladweyne ayaa Risaala u sheegay in askariga la dilay uu ka tirsanaa Ciidamada Milletriga Soomaaliya,waxaana rasaasta lagu furay ku geeriyooday Wiil Magaciisa lagu sheegay Siciid oo uu dhalay Nin Caan ka ahaa Gobolka Hiiraan oo lagu Magacaabi jiray Xaaji Quuroow kaas oo horay Baladweyne loogu dilay.

Sidoo kale rasaasta lagu dilay askariga iyo qofka Shacabka ayaa waxaa ku dhaawacantay haween Shaah ku iibineysday goobta uu falka ka dhacay,waxaana lagu soo waramayaa in dadkii dilkaasi ka dambeeyay ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Baladweyne ayaa goor dambe gaaray halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo haatan wada howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.