Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Goobjoogayaal ku sugan degaanka la weeraray ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta in ka badan 10 madfac oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Puntland & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Puntland dhankooda ay howlgallo ka sameeyeen degaannada ku dhow dhow degaanka Af-urur, iyaga oo ka jawaabaya weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu soo qaaday.
Saraakiil katirsan Ciidamada darawiishta Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in dhankooda ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab balse aysan bixin faah faahino intasi ka dheeraad ah.
Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar hoobiyeyaal ah iyo mid toos ah ku qaaday Saldhiga Ciidamada Puntland ee degaanka Af-Urur, waxaana Puntland ay sheegtay inay iska difaacday weeraradaas.



