Dableey Hubeysan ayaa weerar ku qaaday Maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalla xeebta Liido , waxaana la dagaalamaaya ciidanka dowladda Soomaaliya.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in weerar toos ah uu ka socdo Gudaha Maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalla degmada Cabdicasiis gaar ahaan Xeebto Liido.
Maqaayadda Weerar lagu qaaday ayaa la sheegaya in ay joogeen dad aad u farabadan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Qaraxa ka dib la maqlay israsaaseyn xoogan oo ka socota goobtii uu Qaraxu ka dhacay.


