Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay degmada Baardheere

Qarax ayaa ka dhacay masaajid ku yaalla degmada Baardheere ee gobalka Gedo kaas oo ay ku dukanayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Inta la ogyahay ku dhawaad 9-ruux ayaa ku dhaawacantahay Qaraxaan, kuwaas oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo waliba dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Bam gacmeed lagu tuuray Masaajidka, xili dadku ay soo baxayeen oo ay Tukadeen Salaada Cishaha.