Weerar Khasaare geystay oo ka dhacay Bariga gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya degaanka Godad ee Bariga gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen.

Kooxda Hubeysan oo la aaminsan yahay in ay u baabulan yihiin qaab beeleed ayaa dilay labo ruux midkalena dhaawacay

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ahaayeen xoolo dhaqato.

Xiisad ayaa hadda ka taagan degaano ku yaalla Bariga gobolka Mudug oo sanadyadii lasoo dhaafay ay ku dagaallamaayeen Maleeshiyaad kasoo kala jeedda maamulada Galmudug iyo Puntland.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net