Weerar ka dhacay London

Ugu yaraan 6 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Weerar ka dhacay Bariga Magaalada London ee Caasimadda dalka UK.

Weerarkaan ayaa  looga shakisan yahay in loo adeegsaday walxo sun ah, waxaana geystay rag ka dukaameysanaayay Suuq ku yaalla Bariga London.

Ciidamada Booliska ayaa wadda Baaritaano kala duwan.

Howlwadeenada gaari nooca gurmarka degdega ah ayaa waxa ay goobta ku dabiibeen ilaa lix qof iyadoo saddex ka mid ahna loo qaaday isbitaalka.

Wiil 15 jir ah ayaa lagu soo xiray wax looga shakiyay inay jirka dhaawac gaarsiin karaan.

Sikastaba ha ahaatee booliska London ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay wax ka soo gaareen weerrarka hore.