SAWIRRO: Diyaaraddii Lufthansa oo Afartan Sano ka dib lagu celiyay Jarmalka

Diyaaradii Lufthansa ayaa shalay dib loogu celiyay dalka Jarmalka Muddo Afartan Sano ah ka dib, waxaana la geeyay goob loogu tala galay in lagu keydiyo taariikhda dalka Jarmalka.

Diyaarada Lufthansa ayaa Muddo hadda laga joogga Afartan Sano, waxaa soo Afduubtay dagaalyahano u dhashay dalka Falastiin ,kuwaa soo doonaayay in lasoo daayo hoggaamiyayaal laga heystay Falastiyiinta.

Diyaaradda nooceeda waxaa uu ahaa Boeing 737, waxaana la afduubtay October 1977,iyada oo ka duushay Magaalada Mallorca ee Dalka Soain kuna sii jeedday Frankfurt oo Germany ah.

Kooxihii diyaaraddaasi Afduubtay ayaa soo marsiiyay dalal Dhowr ah, waxaana ugu dambeyntii ay kasoo dejiyeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Jarmalka ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in la badbaadiyo rakaabkii saarnaa diyaaraddaasi oo dhammaa 86 Qof.

Jarmalka ayaa Wafdi u soo diray Soomaaliya si ay dowladda Soomaaliya uga codsaddaan in Kooxdaasi Madax furasho la siiyo Ama la dilo.

Xilliggaasi Soomaaliya waxaa ka jirtay dowladdii Milatariga ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, waxaana ciidamada si gaar ah u tababaran ay ku guuleysteen in ay toogteen Kooxihii diyaaradda soo Afduubtay,islamarkaana ay soo badbaadiyeen dadkii Shacabka ahaa.

Howlgalkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamo aan badneyd oo jarmal ah.

Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa xilligaasi ka mid ahaa ciidamada ugu awoodda badan Afrika, waxaana ay fulin jireen howlgallo ay kasoo cabsaddeen dowladdaha carabta.

Waxa ay taallay Muddo badan dalka Brazil, waxaana hadda lagu sameyn doonaa dayactir, waxaana dadka Jarmalka ay u noqon doontaa Taariikh.