DHAGEYSO: Golaha Wasiiradda Galmudug oo kulan deg deg ah yeeshay Warna kasoo saaray

Golaha Wasiiradda maamulka Galmudug ayaa Maanta kulan deg deg ah ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.

Wasiiradda ayaa soo saaray Amaro ku aadan Xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta degaanada maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa markuu soo dhamaaday kulanka Saxaafadda la hadlay waxaana uu sheegay in ay isku raaceen in kulamo siyaasadeed aan lagu qaban Cadaado inta ay xaaladdu kacsan tahay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ku baaqeen in deg deg loo joojiyo dagaaladda ka socda Bariga Gobolka Mudug.