Saddex dagaalyahan Kurdish-ka Peshmerga ah ayaa lagu dilay qarax bambaano oo ka dhacay magaalada Kirkuk ee dalka Ciraaq.
Ugu yaraan shan dagaalyahan oo kale ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi maaddaama qalabka qarxa lagu soo tuuray meel u dhow gaarigooda.
Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin waxay imaanaysaa iyadoo Dawladda Hoose ee Kurdistan ay diyaar u tahay aftida madaxbanaan Isniinta.
Gobolkaan ayaa ku qanacsan in aftida loo qabto 25-ka September inkastoo ay jirto mucaarad gobol iyo mid caalami ah.



