Dagaal culus ayaa Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin Buundada Daariq ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana dagaalka uu ku dhintay hal askari mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo.
Xaaladda fariisinka Ciidamada Jubbaland ee Buundada Daariq ee duleedka Kismaayo ayaa degan, waxaana fariisinkaas uu kamid yahay goobaha laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.