Wayne Rooney ayaa xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay saaxiibkiis hore ee Cristiano Ronaldo isagoo ku dhiiro-geliyay inuu ka shaqeeyo sidii ay Real Madrid isaga reebi laheyd Wolfsburg.
Ronaldo oo sanado fiican kusoo qaatay Manchester United ayaa saaxiibo badan oo ruuxi ah ku leh garoonka Old Trafford, waxayna si gaar ah issugu dhow yihiin kabtan Rooney.
Saxaafadda dalka Portugal ayaa baahisay in Ronaldo uu fariin ka helay qoraaaleed sidaan ah ka helay Rooney” Waxaan jeclahay inaan kugu sii arko tartanka Champions League-ga,-fadlan xogga saar sidii ay Real Madrid isaga reebi laheyd Wolfsburg. Guul wacan ayay ku leeyihiin reer United”.


